WhatsApp Image 2021-06-03 at 09.37.02

West African bloc suspends Mali over military coup.

Hoggaamiyeyaasha urur-weynaha Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa hakiyay xubinnimada Mali ee ururkaas ka dib afgambigii milatari ee toddobaadkii hore – waana kii labaad muddo sagaal bilood ah.

Hogaamiyaha inqilaabka hadana ah madaxweynaha kumeel gaarka ah, Colonel Assimi Goïta, ayaa kaqeyb galay kulanka ka dhacay caasimada Ghana ee Accra.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ghana, Shirley Ayorkor Botchwey ayaa saxaafadda u sheegtay in baloogyadu ay ugu baaqeen Mali inay si deg-deg ah u soo magacawdo ra’iisul wasaare rayid ah, si ay ugu hoggaansato 18 bilood oo kala guur ah iyo in la qabto doorashada madaxweynenimada bisha soo socota ee Feberaayo.

Ghana waxay sheegtay in xasilloonida Mali ay muhiim tahay haddii Galbeedka Afrika ay dib u dhigeyso dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee gobolka.#s63somali

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *