yes

Ethiopia makes arrests in ‘plot to attack’ UAE embassy

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in 15 qof lagu xiray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, kuwaas oo lala xiriirinayo qorshe lagu weerarayo safaaradda Imaaraatka Carabta

Waxay sheegtay in hub, walxaha qarxa iyo dukumiintiyo la qabtay.

Hogaamiyaha kooxda, 35 jir Thiold Ali Ahmed Ardayto, ayaa sidoo kale la xiray.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inay jiraan “cadeymo cad” oo muujinaya in kooxda ay “qorsheynayeen, sameynayeen cilmi baaris isla markaana ay uruurinayeen macluumaad” si ay u fuliyaan weerarka.

Waxay sidoo kale ku eedeysay kooxda inay qorsheynayeen weerar lamid ah kan lagu qaaday safaarada Imaaraatka ee ku taala magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.#s63somali

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *